Burcad Baddeed Ku Fashilantay Inay Qafaashaan Doonyo Kalluumeysi

0
590

Burcad Baddeed Ku Fashilantay Inay Qafaashaan Doonyo Kalluumeysi

Burcad-baddeed hubeysan ayaa la sheegay inay maalintii Axadda ee la soo dhaafay weerareen 2 dooni kalluumeysi oo marayey Badweynta Hinidya.

Labada Dooni ee ka badbaaday Afduubka ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Adria iyo  Taksori Argi, kuwaasi oo la sheegay inay marayeen meel 280 Nautical mile ka baxsan Xeebaha Somalia.

Hadal ka soo baxay Hawlgalka Ciiddanka Badda Midowga Europe ee ku sugan Badda Somalia ee EUNAVFOR ayaa sheegay inay ilaalo la socotay Labada Dooni iska difaaceen Burcad-baddeeda oo iyagu watay Doon kale  oo ay Jimcihii hore ka qafaasheen meel ka baxsan Xeebaha Bartamaha Somalia.

Dhinaca kale, Madaxa Hawlgalka ATALANTA, Admiral Antonio Martorel waxa uu uga digay Maraakiibta Gnaacsiga inay feejignaan muujiyaan marka ay ku safrayaan Badda Somalia.

Falalka Burcad-baddeeda ee ka dhaca Xeebaha Somalia ayaa hoos u dhacay sannooyinkii la soo dhaafay, mana jirin weeraro lagu guuleystay oo lagu qafaashay Maraakiibta Ganacsiga muddadii u dhexeysay  sannadkii 2013-kii ilaa bishii March ee sannadkii 2017-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here