Tirada Dadkii Ku Geeriyooday Qaraxyadii Ka Dhacay Sri Lanka Oo Sii Korodhay

0
883

Tirada Dadkii Ku Geeriyooday Qaraxyadii Ka Dhacay Sri Lanka Oo Sii Korodhay

Booliska dalka Sri Lanka ayaa sheegay in Nin u dhashay dalka Syria ka mid yahay 40 qof oo ay wax ka weydiinayaan qaraxyadii Axadii la soo dhaafay ruxay Kaniisado iyo Hoteelo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Kolombo.

Ninka u dhashay dalka Syria ayaa la xiray, kadib, markii ay Boliska su’aalo weydiiyeen Eedeysanayaal Deegaanka oo loo xiray qaraxyadaasi oo ay 321 qof ku geeriyootay, halka ay 500 kalena ku dhaawacmeen.

Ma jirto koox sheegatay qaraxyadaasi, balse, Sirdoonka Maraykanka waxay sheegeen in astaamaha weerarkaasi yihiin kuwa Kooxda Daacish.

Dhinaca kale, Dowladda Sri Lanka waxay maanta ku dhawaaqday inay tahay  Maalin Baroor-diiq Qaran o olagu xusuusanayo boqolaalkii qof ee lagu dilay, laguna dhaawacay qaraxyaddii Axaddii la soo dhaafay ka dhacay dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here