Kim Jong Un iyo Vladamir Putin oo dhamaadka bishan ku kulmaya Ruushka

0
597

Kim Jong Un iyo Vladamir Putin oo dhamaadka bishan ku kulmaya Ruushka

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa maalmaha soo socda booqasho ku tagi doona dalka Ruushka, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin.

Warbaahinta Waqooyiga Kuuriya ayaa xaqiijisay Talaadada maanta in labada Hoggaamiye ay ka wada hadli doonaan arrimo badan, iyadoo markii u horeysay ay noqoneyso kulanka Kim iyo Putin.

Kulankan ayaa ka dhici doona dhamaadka bishan April magaalada Vladivostok oo u dhow xuduuda Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya.

Wada hadalada labada hoggaamiye ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, iyadoo wada hadaladii bishii February dhex maray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Kim Jong Un uu ku dhamaaday natiijo la’aan.

Midowgii Soviet iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa ahaa xulufo, waxayna lahaayeen iskaashi dhaqaale iyo kaalmo uu Midowgii Soviet siin jiray Waqooyiga Kuuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here