Colombia: Dhul go’ay oo ku dhinteen dad badan

0
647

Colombia: Dhul go’ay oo ku dhinteen dad badan

Ugu ayaraan 17 ruux ayaa ku dhimatay dhul ku go’ay koonfurta-galbeed ee Colombia Axaddii, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Shan ruux oo kale ayaa ku dhaawacan tay, guryo badan ayaana ku burburay magaalada Rosas oo ka tirsan gobolka Cauca.

Dhul go’itaankan ayaa dhacay maalmo ka dib markii ay halkaas ka da’een roobab mahiigaanno ah, xukuumadda ayaana wadda dadaalo burburka looga dhex baarayo dad nool.

Dhulku in uu go’o ayaa caadi ka ah dalka Colombia ee Laatiin Ameerika ku yaalla, gaar ahaanna wakhti roobaadka.

Madaxweynaha Colombia Iván Duque ayaa Axaddii booqday magaalada, saxafiyiintana wuxuu u sheegay in gargaar caafimaad iyo deegaamayn kale loo qorsheeyay dadka uu saameeyay dhulkan go’ay.

A member of the Colombian Red Cross and his dog, Gretta, search for victims amid dollsLahaanshaha sawirkaAFP
Members of the civil defense and firefighters search for victimsLahaanshaha sawirkaAFP
Residents search for survivorsLahaanshaha sawirkaAFP
A man shows a Christ found in the mud after a landslideLahaanshaha sawirkaAFP
Firefighters and members of the army and Civil Defense look for survivors

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here