Rai’sul wasaaraha Liibiya oo dhaliil u soo jeediyay beesha caalamka

0
663

Rai’sul wasaaraha Liibiya oo dhaliil u soo jeediyay beesha caalamka

Rai’sul wasaaraha dowladda ay Qaramada Midoobay ay taageerto ee Liibiya ayaa cambaareyn adag dusha uga tuuray beesha caalamka.

Fayez al-Serraj ayaa cambaareeyay “aamusnaanta ay beesha caalamka ka aamusan ” yihiin xoogagga so weeraray caasimada Tripoli.

Mr al-Serraj ayaa BBC u sheegay in dadkiisa ay dareemayaan in beesha caalamka ay meel cidlo ah uga dhqaaqeen.

Waxa uu intaa ku daray in haddii lagu guuldareysto in la taageero dowladda ay beesha caalamka aqoonsan tahay “ay horseedi karto cawaaqib xun”, isaga oo farta ku fiiqay in kooxda IS ay ka faaidaysan karaan xasilooni darada Liibiya.

Wax laga xumaado ayuu ku tilmaamay in aysan golaha ammaanka qaadin wax tallaabo ah maadaama aysan wali is afgarad ka gaarin qaabkii loola tacaali lahaa arrintan faraha ka sii baxaysa.

Hadalka rai’sul wasaare Fayez al-Serraj ayaa ka dambeeyay ka dib markii muddooyiinkii ugu dambeeyay uu dagaal xooggan ka socday agagaarka caasimada Tripoli.

Xoogaga uu hogaamiyo janaraalka hoolgabka Khaliifa Xafdar ayaa isku soo ballaarinaya dhanka caasimadda.

In ka badan 205 oo qof ayaa ku dhimatay tan iyo intii uu dagaalka billaabmay 4 April, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka ee (WHO).

Liibiya ayaa waxaa tan iyo intii xukunka laga tuuray hogaamiyihii hore Mucamar Al qadaafi 2011 waxaa uu dalka madaxa la galay rabshado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here