Ilhaan Cumar oo sheegtay in ay sii kordheyso hanjabaada loo Jeedinayo

0
518

Ilhaan Cumar oo sheegtay in ay sii kordheyso hanjabaada loo Jeedinayo

Marwo Ilhaan Cumar oo ah haweeneydii ugu horeysay oo muslim ah oo loo doortay aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa sheegtay in ay sii kordheyso hanjabaadaha dilka ah ee u imaanaya.

Arintaan ayaa timid kadib markii muuqaal la soo hagaajiyay uu madaxweyne Trump uu axadii soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka oo uu sheegay in Ilhaan ay hoos u dhigeyso qasaarihii ka dhashay weerarkii lagu qaaday daaraha Mareykanka sanadkii 2001-da.

Tani waa arin halis ku ah nolosha dadka Mareykanka waana in la joojiyaa sidaa waxaa tiri Ilhaan Cumar.

War saxaafadeed Ilhaan oo ay soo saartay Ilhaan oo asal ahaan soomaali ah ayaa daba socda kadib war ka soo baxay afhayeenka aqalka Congress-ka Nancy Pelosi oo sheegtay in ay xaqiijin doonto amniga gabadha matasha gobolka Minnesota.

Pelosi ayaa dhanka kale ugu baaqday madaxweyne Trump in uu barta Twitter-ka uu ku laayahay ka saaro muuqaalka la soo jarjaray ee Ilhaan Cumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here