Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya Kulankii Amniga ee Todobaadki hore buuqa ku dhamaaday

0
492

Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya Kulankii Amniga ee Todobaadki hore buuqa ku dhamaaday

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah yeelanaya kulankii Amniga ee todobaad ka hor ku dhamaaday buuqa iyo fowdada, kaddib muran ka dhashay in warbaahinta dibadda looga saaro kulanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta uu jiro kulankii Amniga looga hadi lahaa, waxaana lala socodsiiyay Xildhibaanada inay waqtiga ilaaliyaan.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo ka lahaa sidii habsami u socodka kulanka Baarlamaanka si caadi ah loogu soo celin lahaa, xaaladana loo dejin lahaa.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada ay isku afgarteen in la dhowro nidaamka iyo sharciga, waxaana qorshuhu yahay in maanta Xildhibaanada dooda amniga sii ambaqaadaan, isla markaana warbaahinta goobjoog ka noqoto.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Wasiirada Amniga, Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada ay maalinta berri hortagi doonaan Baarlamaanka, si ay uga jawaabaan su’aalaha Xildhibaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here