DEG DEG l Banaan bax rabshado wata oo goordhaw ka bilowday Muqdisho+SABABTA

0
786

DEG DEG l Banaan bax rabshado wata oo goordhaw ka bilowday Muqdisho+SABABTA

Waxaa goordhaw banaan bax rabshado wata oo ay dhigayaan dhalinyarada Mooto bajaajta ku shaqeysa iyo dad kale oo shacab ah ka bilowday Isgooska Howl Wadaag ee magaalada Muqdisho.

Banaan baxa ayaa ah mid looga soo horjeedo dil saakay Isgooska Howlwadaag ugu geestay askari katirsan ciidanka booliiska labo qof oo shacab ah oo mid kamid ahaa wade mooto bajaaj.

Dadka banaan baxa dhigaya ayaa xiray qeybo kamid ah laamiga, waxa ay sidoo kale gubayaan taayaro iyagoona ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah ciidanka dowlada oo kordhiyay dilalka dhalinyarada mooto bajaajta ku shaqeesata.

Askariga dilka u geestay labada ruux ee shacabka ahaa ayaa la sheegay in goobta si nabad galyo ah uga baxsaday, waxaana xusid mudan in goobta dilku ka dhacay sidoo kale joogeen ciidamo kale oo booliis ah oo qaban karay gacan ku dhiiglaha.

Waxii warar ah ee kusoo kordha banaan baxa kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here