Raiisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo gaaray magaalada Jigjiga.

0
580

Raiisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo gaaray magaalada Jigjiga.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed, ayaa goordhow gaaray magaalada Jigjiga, halkaas oo la filayo inuu galabta ku soo xiro shirwaynaha xisbiga haya talada dowlad deegaanka.

Mr. Abiye waxaa magaalada ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Ismaamulka Soomalaiya Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar), Axmed Shide Wasiirka Maaliyada dowladda Itoobiya iyo saraakiil kale, waxaana loo galbiyay halka uu ka socdo shirka.

Abiye ayaa la filayaa in marka shirka uu dhamaado uu khudbad dhinacyo badan taabaneyso u jeediyo mas’uuliyiinta iyo Shacabka dowlad deegaanka, si uu uga dalbado iney ka shaqeeyaan aayahodooda iyo sidii ay isku duubni u muujin lahaayeen.

Xiligan waxaa ka socota xarunta degaanka ee Jigjiga doorashada Gudoomiyaha Xisbiga talada haya, Kuxigeenkiisa iyo Golaha Fulinta ee Xisbiga, iyadoo shalay la bedelay magaca Xisbiga.

Xisbul xaakim­ka ayaa horey loo oran jiray Xisbiga Dimoqraadiga Shacabkiga Soomaalida Itoobiya, taasoo haatan loo badalay Xisbiga Dimoqraadiga Soomaali, loona soo gaabiyo [SDP].

Waxa ay u badantahay in Gudoomiyaha Xisbiga loo dooranayo Axmed SHide, halka kuxgeen uu ka noqonayo Mustafe Cagjar, waxaana sidoo kale la dooranayaa Golaha Fulinta, iyadoo Xisbiga markii u horeysay la furay oo ay shacabka ka qeyb noqon karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here