Dowladda oo sheegtay in la fashiliyay Qarax gaari booyad Shabaab ku diyaariyeen Sh.hoose

0
562

Dowladda oo sheegtay in la fashiliyay Qarax gaari booyad Shabaab ku diyaariyeen Sh.hoose

Dowladda Somaliya ayaa sheegtay in la fashiliyay gaari qarax oo Shabaab ay ku diyaariyeen Gobolka Shabellaha hoose.

Gaarigan qaraxa ayaa la sheegay in Ciidamada ay ku fashiliyeen deegaanka Sabiid oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose halkaasi oo Ciidamada ammaanka ay la wareegeen shalay.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya Aadan Isaaq ayaa sheegay in Ciidamada ay fashiliyeen qaraxaasi oo Shabaab ay la doonayeen shacabka Somaliyed.

“Ciidanka Xooga dalka ayaa gacanta ku dhigay gaari booyad ah oo ay saarnaayeen Qaraxyo oo ay ka carareen maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab kadib markii ay ciidanka xureeyeen deegaanka Sabiid ee Gobolka Shabellada Hoose.”

“Argagixisada ayaa damacsaneyd inay fuliyaan mid ka mid ah Weeraradii ugu khasaaraha badnaa taarikhda, laakiin Ciidanka soo majeesta yaasha oo helay xogtooda ayaa udhaqaaqay dhankooda si ay ciida ula simaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here