Siyaasi Duur Oo Laf Dhuungashay Ku Noqday Xisbiga WADANI+Kan Horyimid Mawqifka Xisbigiisa Ka Taagan Yahay Guddida Doorashada

0
607

Siyaasi Duur Oo Laf Dhuungashay Ku Noqday Xisbiga WADANI+Kan Horyimid Mawqifka Xisbigiisa Ka Taagan Yahay Guddida DoorashadaHargeysa

Siyaasi Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka horyimid aragtida xisbigiisu ka qabo guddida doorashooyinka somaliland.Siyaasi Duur oo qoraal ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa soo jeediyey in layska ilaawo wixii hore isla markaana guddida doorashada laga faa,iidaysto waaya aragnimadooda si ay doorashada u qabtaan.Siyaasi Duur ayaa sidoo kale meesha ka saaray in guddida doorasho oo cusubi ay deg deg u qaban karaan doorashado, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi:-Waa in doorasho xalaal ahi inoo dhacdo oo aan sanadkan dhaafin. Hadii aan niyada wanaajisano oo wixii hore iska ilawno gudidan hada joogtaa doorasho fiican wayinoo qaban karaan. Waayo aragnimadooda waa inaan ka faa,iidaysano. Comission cusubi si dhakhsaa doorasho uma qaban karo. Xaqiiqadaas aan waajahno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here