Muwaadin Kenyan oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu diley duqeyn ka dhacday Bu’aale

0
611

Muwaadin Kenyan oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu diley duqeyn ka dhacday Bu’aale

Muwaadin Kenyan ah oo ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa 40 maleeshiyaadka Al-Shabaab ah oo lagu diley duqeyn dhowaan ka dhacday magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ahmed Iman Ali oo loo yiqiin Abu Zinara ayaa ka mid ahaa maskaxdii ka dambeysay weerar lagu qaaday saldhiga ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde 15kii Janaayo 2016 oo lagu diley inkabadan boqol askari oo ka mid ah ciidamada milatariga Kenya.

Sida lagu daabacay qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya Abu Zinara ayaa lagu diley magaalada Bu’aale 22kii bishan March 2019 kadib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay gantaalo ku dhufatay saldhig ay ku lahaayeen Al-Shabaab magaalada Bu’aale.

Abu Zinara ayaa ahaa Injineer ka soo qalinjebiyay Jaamacada Jomo Kenyatta Universitry qeybta Beeraha, waxaana lagu daray liiska argagaxisada caalamka laga doondoonayo sanadkii 2012.

Ma jiro illaa hadda warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada dilka Abu Zinara,balse ururka Alshabaab ayaa qirtey in Jimcihii la soo dhaafay ay duqeyn ka dhacday Bu’aale, hase yeeshee aysan wax qasaare ah ka soo gaarin ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here