Baadhitaan Labo Sano Lagu Hayay Madaxweyne Trump Oo La Soo Gunaanaday

0
625

Baadhitaan Labo Sano Lagu Hayay Madaxweyne Trump Oo La Soo Gunaanaday

Ol’olihii doorashada ee madaxweyne Trump wada shaqayn ma dhex marin Ruushka intii lagu guda jiray doorashadii 2016, sida ay sheegayso warbixin kooban oo Aqalka Kongresska uu u gudbiyay Robert Mueller oo ah dambi baare khaas ah.

Warbixintan kooban ayaanse meesha ka saarin in madaxweyne Trump uu si sharci darro ah u hor istaagay caddaaladda.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka William Barr ayaa xogtan kooban ee xildhibaannada lala wadaagay ka soo dhex saaray natiijadii ka soo baxday baaritaankii la sameeyay.

Madaxweyne Trump oo arrintan ka jawaabaya ayaa Twitterka ku soo qoray “wada shaqaynna ma jirin, caddaalad la hor istaagayna ma jirin.”

Trump oo baaritaanka si joogto ah ugu tilmaami jiray quraafaad ayaa Axaddii sheegay “in ay waji gabax tahay in dalku uu marxaladdan maro isaga oo ku tilmaamay “arrin sharci darro ahayd oo guuldarraysatay”.

Xogtan cusub ee la soo saaray ayaa ah natiijo ka dhalatay baaritaan uu labo sano wadday Mueller, taas oo horseeday in kaaliyeyaashii ugu dhawaa madaxweyne Trump dacwado lagu soo oogo, qaarkoodna xabsi la dhigo.

“Inkastoo aan warbixinta lagu soo gunaanadin in madaxweynuhu ambi galay, haddana lama bari yeelin,” ayuu Muller ku soo gudbiyay natiijada baaritaankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here