Raysal Wasaaraha Somaliya Khayre oo Muqdisho kula kulmay Safiirada midowga Yurub ee Soomaaliya.

0
655

Raysal Wasaaraha Somaliya Khayre oo Muqdisho kula kulmay Safiirada midowga Yurub ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan  wasiirrada arrimaha dibadda iyo qorshaynta, Axmed Ciise Cawad iyo Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la qaatay safiirrada Muqdisho u fadhiya dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirrada ayaa ka wada hadlay joogtaynta taageerada midowga Yurub ee Soomaaliya , waxaana kulanka sidoo kale safiirradu ku boggaadiyeen horumarrada ay ku tallaabsatay dawladda Soomaaliya.

Kulanka dhex maray ra’iisul Wasaare Khayre iyo safiirrada dalalka Midawga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahaa safiirradii  goob joogga ka ahaa danjirayaasha  Austria, Belgium, Denmark, France, Finland, Germany, Ireland, Italy, Spain, Sweden, Netherlands iyo boqortooyada Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here