Duqeyn ay Maraykanka ka fuliyeen gobolka Sh/hoose oo dad rayid ah ku dhinteen

0
582

Duqeyn ay Maraykanka ka fuliyeen gobolka Sh/hoose oo dad rayid ah ku dhinteen

Afar ruux oo rayid ah ayaa ku dhintey duqeyn ay diyaaradaha duuliyaha lahayn ee Maraykanka ka fuliyeen deegaanka Laanta Buuro ee degmada Afgooye sida ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters.

Mid kamid ah ehelada dadka ku dhintey duqeyntan ayaa u sheegay Reuter in C/dir Nuur oo ka mid ahaa shaqaalaha Isgaarsiinta Hormuud iyo saddex ruux oo kale ay ku dhinteen duqeyntan.

“C/dir Nur iyo saddex kale isla goobta ayay ku dhinteen balse Mahad Nur oo ay walaalo ahaayeen Cabdulqaadir Nur ayaa dhaawac halis uu ka soo gaaray duqeyntan,”ayuu yiri Cabdulaahi Cali oo ay ilmo adeer yihiin C/dir Nuur.

Taliska ciidamada Maraykanka Africa “AFRICOM” oo email u direy wakaalada wararka Reuters ayaa lagu sheegay in duqeyntan oo dhacday Axadii aynu ka soo gudubnay ay fuliyeen duqeynta ay saddexda ruux ku dhinteen.

“Waan ognahay wararka sheegaya in dad rayid ah ay duqeyntan waxyeelo ka soo gaartay,AFRICOM waxa ay dib u eegis ku sameyneysaa wararka ilaha kale ka imanaya,”ayaa lagu sheegay qoraalk AFRICOM ka soo baxay.

Duqeynta ay ciidamada Maraykanka ka geysanayaan dalka Soomaaliya ayaa aad u sii korortay sanadkan iyadoo duqeymaha ay geystaan diyaaradahaana ay dad rayid ah wax ku noqdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here