Daadad khasaare baaxadleh gaystay oo ku dhuftay Maraykanka

0
492

Daadad khasaare baaxadleh gaystay oo ku dhuftay Maraykanka

Baraf dhalaalay iyo roobab mahiigaanno ah oo ka da’ay gobollo Maraykanka ku yaalla ayaa horseeday daadad keenay in kumannaan daadgurayn la sameeyo.

Saddex ruux ayaa dhimatay kuwaas oo uu ka mid yahay nin ay saraakiishu sheegeen in uu isku dayayay in uu dad uusan aqoonin ka badbaadiyo qabawga daran iyo daadadka.

Daadadkan ayaa taariikh cusub ka sameeyay ugu yaraan shan gobol waxayna horseeden in xaalad degdeg ah lagaga dhawaaqo.

Bulshooyin dhawr ah ayaa go’doonsan oon caawimaad dibadda ah helin.

Arrintan ayaa daba socotay duufaan xoog badan oo ku dhufatay Maraykanka toddobaadkii hore.

BarafLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionBaraf

Madaxweyne Trump ayaa daadadka ku tilmaamay mid “dhibaato baaxad leh gaystay” wuxuuna sheegay in Aqalka Cad uu si dhaw xiriir ula samayn doono masuuliyiinta gobollada.

Presentational white space

Malaayiin ruux oo Maraykan ah oo ku kala nool Iowa, Nebraska, Wisconsin, Minnesota iyo South Dakota ayaa toddobaadkii hore la kulmay baraf iyo cimilo aad u qabaw.

Baraf xiray waddoLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionBaraf xiray waddo

Tony Evers oo ah gafarnatooraha Wisconsin ayaa sheegay in “cimilada kulul iyo roobabkii da’ayay maalmihii u dambeeyay ay sababeen in barafku dhalaalo arrintaasna ay horseedday in ay daadad yimaadaan, joogga biyaha wabiyaduna ay sare u kacaan.

Wabiga Missouri River ayaa gaaray jooggii ugu sarreeyay taariikhda, Iowa iyo Nebraska ayayna ku dhufteen daadadkii ugu darnaa.

Saldhigga ciidammada cirka ee Offutt Air Force Base iyo agagaarkiisa ayay daadadku saameeyeen.Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionSaldhigga ciidammada cirka ee Offutt Air Force Base iyo agagaarkiisa ayay daadadku saameeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here