Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumad Madaxwayne Biixi Oo Lagu Helay Falal Musuq Maasuq Iyo Liiska Magacyadooda Oo Loo Gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta + Tiradooda

0
595

Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumad Madaxwayne Biixi Oo Lagu Helay Falal Musuq Maasuq Iyo Liiska Magacyadooda Oo Loo Gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta + Tiradooda

Hargeysa (Dalmar-News):- Hanti dhawraha guud ee qaranka ayaa soo dhamaystiray warbixinta baadhitaano uu ka waday qaar ka mid ah hay’addaha kala duwan ee xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.

Warar ay warbaahinta qaarkood helayaan ayaa sheegaya in tiro masuuliyiin isugu jira Wasiiro Agaasimayaal guud iyo agaasime waaxeedyo wasaarado kala duwan ah loo gudbiyey Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee qaranka kuwaas oo lagu helay falal musuq maasuq oo ay sameeyeen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in masuuliyiintan oo tiradoodu ay gaadhayso 8 uu madaxweynaha somaliland ku amray xafiiska hantidhawraha inuu waajibkiisa ka guto taas oo keentay in loo gudbiyo xeer ilaalinta guud ee qaranka oo iyagu u xilsaaran sifaha sharci ee loo marayo masuuliyiintaasi.

Walow aanu jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Hay’ada Hantidhawrka Qaranka iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland midna, haddana waxa jira ilo xog-ogaal ah oo u dhuun daloola arrintan oo cadeeyey in Tirada masuuliyiintaasi gaadhay ilaa 8 qof ay hadda magacyadooda iyo cadaymaha falalka loo haystaaba horyaalaan Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland, oo laga dhursugayo maalmaha soocoda maadaama uu madaxweynahu dalka ka maqnaa markii hore in uu u gudbiyo warqada xasaanad ka qaadista masuuliyiintaasi, talaabada taa ku xigtaana noqoto in xabsiga loo taxaabo.

Qorshaha noocan ah ee xukuumadan madaxweyne muuse biixi kula dagaalamayso falalka musuqmaasuq oo labaatankii sano ee u dabeeyey dalka ragaadiyey ayaa hadii laga midho dhaliyo dadka aqoonta u leh siyaasada falanqeeyana arrimaha dawladuhu ku sifeeyeen Talaabooyin dhiirigalinay dhismaha dawladanimada iyo dariiq horseedi kara horumar iyo dawladnimo waafaqsan sharciga dalka u yaala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here