Madaxweynayaasha Somaliya iyo Jabuuti oo xarigga ka jaray dhismaha Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho+SAWIRO

0
711

Madaxweynayaasha Somaliya iyo Jabuuti oo xarigga ka jaray dhismaha Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho+SAWIRO

Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ay xariga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

Safaaradda Jabuuti ayaa laga furay Degmada Cabdi Casiis, halkaasi oo lagu qabtay munaasabad wayn oo xariga looga jaraayay dhismaha Safaarada.

Madax kala duwan ayaa ka qayb gashay xarig ka jarka Safaaradda Jabuuti ay ka furatay Magaalada Muqdisho oo dhismaheeda la soo bilaabay sanadkii 2017-kii.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Khudbad ka jeediyay furitaanka Safaaradda ayaa aad ugu mahadceliyay shacabka Somaliyed & dowladooda doorka wanaagsan ee ay ka qaataan dib udhiska dalkooda.

Madaxweyne Geelle, ayaa sheegay shacabka Somaliyed in laga doonaayo dowladooda inay la shaqeeyaan, xagga ammaanka iyo horumarada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here