Sanduuqa madow ee diyaarada Ethiopian Airlines ee burburtay oo baaritaankeeda uu ka bilowday Paris

0
582

Sanduuqa madow ee diyaarada Ethiopian Airlines ee burburtay oo baaritaankeeda uu ka bilowday Paris

Baaritaano lagu ogaanayo burburkii todobaadkii hore ee diyaarad ay laheyd shirkada Ethiopian Airlines oo nooceedu ahaa Boeing kuna dhinteen 157 ruux oo saarnaa ayaa ka bilaabatay magaalada Paris.

Wafdi uu hogaaminayo madaxa baaritaan-ka shilkaan ayaa ka degay dalka Faransiiska iyadoo isla maanta la guda galay howlaha baaritaanka ,sida lagu soo qoray barta ay shirkada diyaaradaha Ethiopian Airlines ku leedahay aalada Twitter-ka.

Laba sanduuq ee madow oo ku xirnaa diyaarada ayaa shalay laga dajiyay Paris si loo ogaado macluumaadka ka danbeeyay in diyaaradan ay lix daqiiqo kadib burburto.

Baarayaasha ayaa isku dayi doona in ay ogaadaan codadka uu kewydiyay sanduuqa iyo ciladaha qabsaday diyaarada.

Diyaarad nooceedu ahaa Boeing 737 MAX 8 ayaa bishii October ee sanadkii la soo dhaafay waxay ku dhacday wadanka Indonesia waxaana ku dhintay 189 ruux taasi oo dhalisay walaaca laga qabo badqabka diyaaradan.

Wadamada caalamka ayaa dhamaantood mamnuucay isticmaalka iyo adeegsiga diyaaradaha Boeing iyadoo dalka Mareykanka oo lagu soo farsameeyay uu ka mid ahaa dalkii ugu danbeeyay ee joojiya adeegsiga diyaaradan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here