Al-Shabaab Oo Shaacisay Magacyada Iyo Beelaha Ay Kasoo Jeedaan Dableydii Weerartay Hotel Makka Al-Mukarama

0
607

Al-Shabaab Oo Shaacisay Magacyada Iyo Beelaha Ay Kasoo Jeedaan Dableydii Weerartay Hotel Makka Al-Mukarama

Moqdisho (Dalmar-News):- Dhaqaaqa Al-shabaab ayaa shaaciyay wareysi laga qaaday Raggii weeraray Hotelka Maka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho

Al-shabaab ayaa mid mid u sharraxay Magaca saddexan, da’diisa ,Qabiilkiisa iyo degaanka uu ku dhashay,waxaana ka mid ahaa;

1-Siidoow Shariif Cabdulle, 30 jir,waxa uu ahaa qofka waday Gaadhiga 1aad ee Qaraxa sameeyay, waxaa uu ka dagaallami jiray gudaha Kenya kaddibna waxaa uu ku biiray qolada is qarxisa ee AL-shabab, waxaa uu ka dhashay Beesha Dabarre,waxaana uu ku dhashay Muddul Baraawe.

2-Cabdullahi Mukhtaar Mucallim, hoggaamiyaha kooxdii Hotelka weerartay,  24 jir ka dhashay Beesha Hadame,waxaa uu ku dhashay degaanka Rabdhuurre.

3-Aadan Macallin Caddoow. 30 jir, waxaa uu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee dagaalka ku dhinta waxaana Al-shabaab ay sheegeen in markii la dili waayay lagu dumiyay Gurigii uu ku jiray, lama sheegin beeshiisa iyo meesha uu ku dhashay.

4-Nuur Maxamuud Cismaan, 18 jir,waxaa uu ka dhashay Beesha Eelaay,waxaa uu ka soo dagaallamay Mudug,waxaana kaddib uu ku biiray qolada is qarxisa ee Al-shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here