Arday lagu dhex diley fasalkii uu wax ku baranayay magaalada Beledweyne

0
676

Arday lagu dhex diley fasalkii uu wax ku baranayay magaalada Beledweyne

Mid kamid ah ardayda wax ka barata magaalada Beledweyne ayaa arday kale uu ku dhex dilay fasalkii ay wax ku baranayeen.

Dilka ardaygan oo loo adeegsaday mindi ayaa sababay inuu dhaawaca soo gaaray u geeriyoodo.nWararka ayaa sheegaya in ardayga midida lagu dhuftay uu waayay dhiig joojin iyo gargaar degdeg ah loo sameeyo kadib markii isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaal magaalada Beledweyne uu diiday in wax loogu qabto.

Ardayda wax ka baranaysa dugsiga Mujamac oo ah ardayga la diley iskuulkii wax ka baranayay ayaa dhigey banaanbax ay ugaga soo horjeedaan daawo la’aanta ka jirta magaalada Beledweyne.

Dilka ardaygan oo dhiganayay fasalka 3aad ee dugsiga sare ayaa aad uga xumaaday ardayda magaalada Beldweyne waxayna dalbadeen in sharciga la horgeeyo ardaygii ka dambeeyay dilkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here