Malaysia oo looga digay in dalkeeda ay ka Masaafuriso dad u dhashay Masar

0
605

Malaysia oo looga digay in dalkeeda ay ka Masaafuriso dad u dhashay Masar

Hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhaliilay talaabada ay dowlada Malaysia ku xirtay afar ruux oo u dhalatay wadanka Masar lana filayo in dalkooda loo masaafuriyo.

Shaqsiyaadka ayaa lagu xiray kadib howlgal wada jir ah oo ay sameeyeen ciidanka Amniga iyo kuwa sirdoonka Malaysia,balse hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa qaba in dadkaan ay dhibaato kala kulmi doonaan xukuumada Abdel Fatah Al Sisii.

Saraakiil u hadashay dowlada Malaysia ayaa sheegay in 4 tan ruux aysan si sharci ah ku joogin dalkooda sidoo kalena aysan jirin aqoonsi qaxootinimo oo ay wataan.

Shaqsiyaadkan ayaa la aaminsan yahay in ay yihiin dad ka soo baxsaday cadaadiska laamaha amniga Masar ku hayo bulshada ku dhaqan dalkaas gaar ahaan maamulka Cabdi Fatah Al-Siisii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here