Madaxweyne Farmaajo oo saddex cisho kaddib booqday dhaawacyadii qaraxii Wadada Maka Al-Mukarama

0
622

Madaxweyne Farmaajo oo saddex cisho kaddib booqday dhaawacyadii qaraxii Wadada Maka Al-Mukarama

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka booqday Isbitaalka Madiina, si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii habeenkii khamiista ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaray Isbitaalka waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhegaystay Agaasimaha Isbitaalka Dr. Maxamed Yuusuf oo uga warramay xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadkii qaraxa ku waxyeeloobay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Isbitaalka waxa uu mid mid u dul istaagay bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka Madiina, isaga oo arkay xaaladdooda caafimaad.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaalka Madiina shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan, isagoo kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada qaba dhaawacyada kala duwan.

Qaraxyadii habeenkii Khamiistii ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ayaa sababay khasaare fara badan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed oo u badnaa dhismayaal Ganacsi oo ku dumay qaraxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here