Meydad Horleh Oo Laga Soo Saaray Dhismo Ku Yaalla Wadada Maka Al-Mukarama

0
638

Meydad Horleh Oo Laga Soo Saaray Dhismo Ku Yaalla Wadada Maka Al-Mukarama

Warar dheeraad ah ayaa ka soo ka baxaya weerarkii dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen dhismayaal ku yaalla Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Dhismaha Hilaac UK ayaa waxaa laga soo saaray Meydka Wiil dhalinyaro ah,kaasi oo la sheegay in uu dhismaha kusoo dumay,isla markaana waxaa halkaasi howlo ka wada gaadiidka Cagaf cagafta oo dhulka hoostiisa baaraya si loo hubiyo in Meydad kale ay ku jiraan.

Ciidamada  sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan ayaa howlgal Saacado badan qaatay gelinkii dambe ee shalay kusoo afjaray weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen dhismayaal ku yaalla Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Dhismayaasha uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa ka socda howlgalo xoogan,kuwaasi oo lagu baadigoobayo in ay weli halkaasi ku jiran Meydadka dad qaarkood oo la’la yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here