Al Shabaab oo 8 Sano kadib Caawa maamulaya deegaanka Fax fax Dhuun ee gobolka Gedo

0
900

Al Shabaab oo 8 Sano kadib Caawa maamulaya deegaanka Fax fax Dhuun ee gobolka Gedo

Ciidamada dowladda Kenya, ayaa saaka isaga baxay mid kamid ah Saldhigyadii ugu waaweynaa oo ay ku lahaayeen gobolka Gedo, kaasoo ay ka difaaci jireen magaalooyin badan oo gobolka Gedo ah.

Saldhigga ay baneeyeen oo ay Kenyanka heysteen tan iyo Bishii January sanadkii 2012, ayaa ah mid ku yaala deegaanka Fax fax dhuun oo qiyaastii 80KM Galbeed kaga toosan degmada Baardheere.

Inta aysan bixin ka hor waxa ay hawada ka saareen Isgaarsiintii, iyagoo ka cabsi qabay in Shabaab la siiyo xogtooda, iyagoo ku baxay wadada dheer ee aada dhinaca deegaanka Girileey ee dhacda xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dad ku sugan deegaanka Fax fax dhuun, ayaa soo sheegay in Kenyanka inta ay wadada ku sii jireen ay Shabaab wadada kula eegteen qaraxyo xooggan, waloow aan la ogaan karin khasaaraha ka soo gaaray, maadaama aan loo dhawaan karin goobaha ay ku sugnaayeen.

Wararkii u danbeeyay ayaa soo sheegaya in Ciidamadan ay duhurnimadii maanta gaareen deegaanka Buusaar ee ku dhow Xadka, halkaas oo ay joogayaan maalmahan sida ay sheegeen xubno iyaga la socda.

Mas’uuliyiintii Soomaalida ee deegaanka Fax fax dhuun, ayaa hore u sii raacay Kenyanka, iyagoo u sheegay iney u baqayaan amnigooda, maadaama Shabaab ay xili kasta beegsan karaan, waxeyna dhinac ka fuuleen gawaaridii Ciidamada.

Si dhab ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa in Ciidamada Kenya ay isaga baxaan deegaanka Fax fax dhuun oo eheyd meel Istiraatiiji ah, taasoo daliil u ah in deegaanku kamid ahaa meelihii u horeeyay ee Kenyanku saldhigteen sanadkii 2012,markii ay Gedo galeen.

Deegaankan, ayaa ah mid isku xira dhamaan magaalooyinka gobolka Gedo, iyadoo ay dib u soo laabtay Isgaarsiintii ay jareen Ciidamada Kenya.

Ciidamada Kenya, ayaa u muuqda kuwo alaabohooda guud ahaan ka xir xirtay gobolka Gedo, iyadoo sanadkii 2017 ay baneeyeen Saldhigyo waaweyn oo ku yaala magaalada Baardheere iyo deegaano kale, waxeyna haatan joogaan oo kaliya deegaanka Buusaar, halkaas iyana dhaq dhaqaaqyo laga soo sheegayo ay ku baxayaan.

Wararkii u danbeeyay ee deegaanka Fax fax dhuun, ayaa soo sheegaya in dagaalyahano hubeysan oo Shabaab ah ay qabsadeen deegaanka, Kuwaasoo kor kala socday dhaq dhaqaaqyada ay ku baneynayaan deegaanka meesha Istiraatiijiga ah ku yaala.

Lama oga in bixitaan Ciidamadan la xiriirto  xumaanshaha Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ee gaaray  meeshii ugu xumeyd, kaddib markii 16-kii bishii hore ay Kenya u yeeratay Safiirkeedii u joogay Soomaaliya, isla markaana ku amartay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Nairobi inuu dalkiisa ku laabto, iyadoo hakad uu ku yimid xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, waxaana xigtay in dowladda Kenya  ku hanjabtay inay cunaqabateyn ku soo rogeyso Soomaaliya.

Al­Shabaab ayaa la rumeysan yahay in weerarada ka fuliso Kenya ka abaabusho gobollada xadka ku yaalla, oo Gedo kamid yahay, halkaasi oo ay ka howlgalayaan ciidamada KDF [Kenyan defence forces].

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wali la hardameysa inay Al­Shabaab ka saarto goobaha ay dalka kaga sugan tahay, iyadoo khatar Shabaab ku hayso amniga qaranka sii xoogeysanayso.

Ciidamada AMISOM, oo ka kooban 22­kun oo Askari ayaa dalka ku sugnaa mudo 12 sano ah, islamarkaana dagaal kula jiray Al­Shabaab, oo wali maamusho dhul ballaaran oo ay ka abaabusho weerarada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here