Sweden oo xirtay qof looga shakiyay in uu Ruushka u basaasayay

0
533

Sweden oo xirtay qof looga shakiyay in uu Ruushka u basaasayay

Qof u shaqeeya shirkad Sweden laga leeyahay oo ka shaqaysa tiknoolajiyadda ayaa la xiray isaga oo looga shakisan yahay in uu u basaasayay Ruushka.
Qofkan aan magaciisa la shaacinin ayaa Talaadadii laga xiray magaalada Stockholm, sida ay saraakiishu sheegeen.
Daniel Stenling oo madax ka ah waaxda qaabilsan ka hortagga basaasidda ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in qofka la hayo uu shaqaale u noqday sarkaal basaas ah oo dalka Ruushka u dhashay kaas oo dalka u jooga dublamaasi ahaan.
Warbaahinta Sweden ayaa baahisay muuqaal lagu sheegay qofka laga shakisan yahay oo makhaayad laga sii wado.
Dublamaasigu basaas ma noqdaa?!
Vladimir Putin oo la ogaaday inuu basaas ahaan jiray
Australia oo sheegtay inay qabatay basaas Waqooyiga Kuuriya u dhashay
Qofka laga shakisan yahay ayaa hayay ” shaqo la yaqaanno in sirdoonka ajaaniibtu ay daneeyaan”, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka, balse faahfaahin lagama sii bixinin.
“Waxaa laga shakisan yahay in fal dambiyeedkan uu soo socday tan iyo sannadkii 2017kii,” ayay intaas ku sii dareen.
Qof goob jooge ah oo warbaahinta Sweden ay soo xigatay ayaa sheegay in booliiska Sweden ee loo yaqaanno Sapo ay galeen makhaayad ka dibna isku hareereeyeen labo ruux oo cuntaynaya.
Warbaahinta Sweden ayaa sheegtay in labada ruuxba la isla xiray balse qofka labaad la sii daayay ka dib markii uu sheegay xasaanad dublamaasiyadeed.
Daniel ayaa sheegay in halista soo wajahday ay tahay middii ugu darnayd muddo sanooyin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here