Ciidamada Amisom oo maanta ka guuraya Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad

0
588

Ciidamada Amisom oo maanta ka guuraya Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad

Sida qorshaha uu yahay maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Ciidamada Amisom si rasmi ah uga guuraan Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad oo ku tallo wadada Warshadaha.

Amisom ayaa Saldhigaan deganaa sanado badan,iyadoo xilligii Shabaab ay joogeen Magaalada halkaasi ay kala dagaalami jireen.

Qorshaha Ciidamada Amisom uga guurayaan Kuliyadii hore ee Jaalle Siyaad ayaa waxaa isla gartay dowladda Somaliya & taliska Ciidanka Amisom.

Amisom marka ay ka guuraan maanta Kuliyadii hore ee Jaalle Siyaad ayaa waxaa si toos ah loogu wareejin doonaa Ciidamada Militariga Somaliya.

Ciidanka Saldhigaan ka guuraya waa kuwa Burundi ka socda ee la qorsheeyay kun ka mid ah inay dalka ka baxaan.

Ciidamada Amisom ayaa horay uga guuray Jaamacadii Gaheyr, Garoonka Muqdisho & maanta oo ay ka guurayaan Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here