Kenya oo sharaxaad ku saabsan arrinta muranka Badda u gudbisay Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika

0
498

Kenya oo sharaxaad ku saabsan arrinta muranka Badda u gudbisay Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika

Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa dareenkeeda ku aadan muranka xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya u gudbisay Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa u sheegtay warbaahinta Capital FM in Wasaaradeeda ay ku wargelisay Safiirada dalalka xubinta ka ah Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika si ay arrintan wax badan uga ogaadaan

“Waxaan warbixin ka siinay xaalada inoo dhaxeysa anaga iyo Soomaaliya, si xaqiiqada loo ogaado, labada golena ula wadaagno dareenkeena ku aadan arrintan”ayay tiri Monica Juma.

Sidoo kale Wasiiradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa kulan la yeelatay Safiirada dalalka UK iyo Faransiiska ee u jooga Kenya, si la mid ah ayayna ula wadaagto arrinta u dhaxeysa iyaga iyo Soomaaliya.

Monica Juma ayaa caddeysay in mar walba wasaaraddeeda u furan tahay wada hadal, si xalka ugu wanaagsan looga gaaro muranka u dhaxeeya labada dal, si dib loogu soo celiyo diblomaasiyaddii hakatay.

Kenya ayaa todobaadyo ka hor u yeeratay Safiirkeedii u joogay Soomaaliya, isla markaana ku amartay Safiirkii Soomaaliya inuu dalkeeda ka baxo muddo 24 saac.

Soomaaliya ayaa horay u caddeysay in aanay wada hadal ka geli doonin taako ka mid ah dhulkeeda, waxaana dacwada Badda ee labada dal u dhaxeysa la filayaa in dhowaan laga soo saaro go’aan.

Xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex qaraxday labada dal ayaa saameyn ku yeelatay xiriirkii labada dal, waxaana Kenya ay dooneysa in Soomaaliya ku cadaadiso inay ka laabato dacwada Maxkamadda Hague oo lagu wado in bartamaha sanadkan ka soo baxo go’aan aysan ku farxi doono dowladda Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here