Al-Shabaab oo sheegay in Askar Kenyan ku dileen Gobolka Gedo

0
567

Al-Shabaab oo sheegay in Askar Kenyan ku dileen Gobolka Gedo

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar ku qaaday Kolonyo ciidanka Kenya ee ka midka ah howlgalka AMISOM oo marayay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Weerarka jidka loogu galay Kolonyada Ciidamada Kenya ayaa isugu jira qaraxyo miino iyo rasaas, waxaana uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Fafax-dhuun iyo Giriley.

Kolonyada Ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay sahay u wadeen dhanka deegaanka Fafax-dhuun oo ay saldhig ku leeyihiin.

Al-Shabaab ayaa baraha Internet-ka ku sheegay inay ku dileen weerarkaas saddex ka tirsan ciidanka Kenya, laguna gubay mid ka mid ah gaadiidka Ciidamada.

Ciidamada Kenya oo ka mid ah howlgalka AMISOM ayaa ku sugan Gobolada Gedo iyo Jubadda Hoose ee Koofurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here