Hogaamiyaha mucaaradka Venezuela oo dunida ka codsaday in Maduro talada laga tuuro

0
659

Hogaamiyaha mucaaradka Venezuela oo dunida ka codsaday in Maduro talada laga tuuro

Hogaamiyaha mucaaradka Venezuela, Juan Guaido, aya sheegay inuu ku tirtirsiyi doono beesha caalamka in ay lafa gurto wax kasta oo Madaxweyne Nicolas Maduro xilka lagaga tuuri karto.

Guido ayaa hadalkaa jeediyey ka dib markii ay ciidamada nabad gelyadu xoog ku horjoogsadeen gargaar ay taageerayaashiisu damacsanaayeen in ay dalka geeyaan.

Ugu yaraan laba qof ayaa lagu dilay xadka dalkaasi la leeyahay Brazil, halka laba baabuur oo kuwa xamuulka ah na dab lagu qabadsiiyey soohdinta Colombia.

 

Maraykanka oo u aqoonsan Juan Guaido inuu yahay madaxweynaha Venezuela ayaa sheegay inuu tallaabo ka qaadi doono kuwa diiddan in dalkaa dimuqraadiyadda lagu soo dabbaalo.

Guaido ayaa mushkillada ka taagan Venezuela maalinta beri ah kala hadli doona dalalka isaga taageersan oo kulan ku yeelan doona dalka Colombia.

Xalayna waxa uu baaq u diray kuwa dadka taageersan Nicolas Maduro isagoo u sheegay in aanay daacad u ahaan karin nin cunno ku horgubay dad gaajaysan, dawa-na u diidday dadka bukaanka ah.

Waxa uu intaa ku daray in wixii shalay ka dhacay xuduudda Venezuela ay ku qasabtay inuu beesha caalamka si rasmi ah uga codsado in ay diyaariso wax kasta oo horseedi kara in go’aan laga gaadho mustaqbalka Venezuela.

Laba gaadhi oo xamuul ah ayaa sido kale lagu gubay xuduudda ay Venezuela la leedahay Colombia. Madaxweynaha dalkaasi, Ivan Duque, ayaa sheegay inuu dib u soo celinayo gawaadhi kale ee gargaarka u sida Venezuela.

Xiisadda ka taagan Venezuela ayaa isu bedeshay mid caalami ah, iyadoo dalalku ay la kala safteen Maduro iyo Guaido.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here