Madaxweyne Farmaajo oo Masar u aaday shirka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub.

0
553

Madaxweyne Farmaajo oo Masar u aaday shirka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayay, ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku sii jeedaa Masar, Isagoo magaalada Sharmal Sheekh uga qeyb galayo shirka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub.

Sidoo kale Madaxweynaha inta halkaas uu ku sugan yahay ayaa waxaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la qaato Madaxda ka qeyb galeysa Shirkaasi ka furmaya Dalka Masar.

Dadka la filayo iney si gaar ah isu arkaan waxaa kamid ah madaxweynaha Masar C/fitaax Al Siisii oo haatan ah Gudoomiyaha Shir Gudoonka Ururka Midowga Afrika, iyagoo ka wada hadli doona arrimo ay kamid yihiin xiisada Soomaaliya kala dhexeysa dalka Kenya.

Socdaalka Madaxweynaha, yaa yimid  maalmo kaddib markii uu ka soo laabtay dalalka Burundi iyo Jabuuti oo uu la soo kulmay madaxdooda.

Maanta oo kale labo sano ka hor, Madaxweyne Farmaajo ayaa galay safarkiisa u horeeyay ee dibadda ah oo ku aado dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaddib doorashadiisa.

Waxaana socdaalkiisii u horeeyay ee uu dibadda ku aado maanta oo kale laba sano kahor ay eheyd saacado yar uun ka dib markii uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaarihisa Xasan Cali Khaye, kaasoo laba sano jirsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here