Poland Oo Ka Cadhootey Hadal Ka Soo Yeedhay Israa’iil

0
743

Poland Oo Ka Cadhootey Hadal Ka Soo Yeedhay Israa’iil

Ra’iisulwasaaraha Poland Mateusz Morawiecki ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa Israa’iil ka dib markii uu qoonsaday hadal ka soo yeeray dhigiisa Israa’iil kaas oo ku saabsan xasuuqii dadka Yuhuudda ah loo gaystay ee Holocaust.

Warbaahinta Israa’iil ayaa soo xigatay Netanyahu oo leh “Poland ayaa Jarmalka la shaqaysay” intii uu socday dagaalkii Holocaust.

Markii dambe ayuuse soo saaray waraaq uu arrintaas ooga hadlayo wuxuuna sheegay in uusan ula jeedin qaranka Poland ama dadka reer Poland oo dhan.

Poland ayaa u yeertay danjiriheedii Israa’iil, Axaddiina waxay sheegtay in ra’iisulwaaare Morawiecki uusan ka qayb galaynin shirka Talaadada dhacaya.

Shirka oo ay Israa’iil martigalinayso waxaa ka qayb gali lahaa afar dal oo kala ah Czech Republic, Hungary, Poland iyo Slovakia.

Joanna Kopcinska oo ah Afhayeenka dawladda Poland ayaa sheegay in ra’iisulwasaare Morawiecki uu la hadlay ra’iisulwasaare Netanyahu uuna sheegay in shirka uu Poland uga qaybgali doono Jacek Czaputowicz oo ah wasiirkooda arrimaha dibadda.

Muxuu yiri Netanyahu?

Netanyahu oo booqasho rasmi ah ku jooga Poland ayay warbaahinta Israa’iil oo ay ka mid yihiin Haaretz iyo Jerusalem Post wax ka qoreen ra’iisulwasaaraha Khamiistii.

The Jerusalem Post ayaa qoraalkeeda u adeegsatay “dalka Poland” waxaana la sheegay in ay durba wax ka badaleen.

Xafiiska Netanyahu ayaa soo saaray war qoraal ah oo uu arrintaas ku kala caddaynayo “Ra’iisulwasaare Netanyahu wuxuu adeegsaday Poles mana aha dadka Poland iyo dalka Polanad.”

Poland siday uga falcelisay?

Morawiecki ayaa Twitterka ku soo qoray “Poland dawlad ma lahayn” markii uu Nazigu haystay Poland.

Safiirka Israa’iil u fadhiya Warsaw ayay wasaaradda arrimaha dibaddu u yeertay Jimcihii.

Madaxweyne Andrzej Duda ayaa sheegay in haddii uu Netanyahu yiri warkii markii hore la sheegay “in Israa’iil aysan ku haboonayn in lagu shiro”.

Morawiecki ayaa Axaddii ku dhawaaqay in safarkiisii uu baaqday.

Israa’iil ayaa dalbatay in ay martigaliso shirka dalalka ku midaysan Visegrad si ay u xoojiyaan calaaqaadka ay la leeyihiin Midawga Yurub.

Maxay tahay taariikhda arrintan ku gadaaman?

Markii uu socday dagaalkii Labaad ee Adduunka Poland waxaa qabsaday Nazi-gii iyo xulafadii Soviet-ka waxanaa la dilay in kabadan shan milyan oo Poland u dhashay, saddex milyan oo ka mid ahna waxay ahaayeen Yuhuud.

Marka ay timaaddo Holocaust, dalkaas ayaa sannado badan ka soo horjeeday “in la dhoho kaamamkii geerida ee polish-ka” wuxuuna sheegay in arrintaasi ay tilmaamayso in ay gacan ku lahayd kaamamkii uu Naz-gu ka dhistay dalkooda intii uu haystay.”

Bishii Feebaraayo ee sannadkii 2018 ayay Poland soo saartay sharci dambi ka dhigaya in dalka Poland ama xukuumaddiisa lagu eedeeyo in ay ku luglahaayeen dagaalkii Nazi-ga ee Holocaust.

Israa’iil ayaa arrintaas ka soo horjeedsatay, madaxweyne Reuven Rivlin ayaana sannadkii hore sheegay in inkastoo dad badan oo reer Poland ah ay la dagaaleen Nazi-yiintii in haddana “Poland iyo dadka reer Poland ay gacan ku lahaayeen laynta” Yuhuuddii ku dhammaatay dagaalkii Holocaust.

Poland ayaa ogolaatay in ay sharcigaas baddasho haddana ma fuliso xabsigii ilaa saddexda sano ahaa ee ay dadku arrintaas ku mutaysan lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here