Dowladda Soomaaliya oo ka Jawaabtay mowqifka Kenya ee Xiisada Diblumaasiyadeed.

0
557

Dowladda Soomaaliya oo ka Jawaabtay mowqifka Kenya ee Xiisada Diblumaasiyadeed.

Dowladda Soomaaliya, ayaa markii u horeysay si rasmi ah uga hadashay xiisada diblumaasiyadeed ee kala dhexeeya dowladda Kenya, taasoo keentay in dalkan uu ka boxo Safiirkii Kenya, halka Nairobina laga soo eryay Safiir Tarsan

Dowladda Soomalaiya oo ka carootay qoraalkii Shalay ka soo baxay Wasaarada Arrimaha dibadda Kenya  ayaa sheegtay iney aad uga xuntahay qodobada qaar eek u jira Warqada, taasoo meel ku dhac weyn ku ah dowladnimada, Sharafka iyo deris wanaaga ka dhexeeya labada dal.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay ineysan jirin wax xirmooyin ama blocks ah oo dowladda ay xaraasheyso, iyadoo qoraalka Kenya ay arintaasi ku jirtay.

Soomaaliya iyo Kenya sanadihii u dambeeyay xiriirkooda waa uu wanaagsanaa, waxaa loo arkayay xiriirka labada dal inuu bog cusub u furmay, kaddib doorashadii Madaxweyne Farmaajo 8 February 2017-dii.

Halkan Hoose ka Aqriso War Saxaafadeedka ka soo baxay Dowladda Soomalaiya:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here