Baarlamaanka Puntland oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha Wasiirada

0
474

Baarlamaanka Puntland oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha Wasiirada

Baarlamaanka Puntland, ayaa maanta si aqlabiyad leh ku ansixiyay Wasiirada cusub ee 10-kii bishan uu soo magacaabay madaxweyne Siciid C/llaahi Deni.

63 Xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka Puntland, ayaa maanta codka kalsoonida siiyay Wasiirada cusub, mana jirin Xildhibaan diida ama ka aamusa, sida uu shaaciyay Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland, waxaa madasha ka maqnaa Saddex mudane oo katirsan baarlamaanka.

Cod u qaadista kahor, Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa Xildhibanaada ka codsaday iney codka kalsoonida siiyaan Wasiiradiisa cusub, si loo sii amba qaado howlaha horyaala maamulkiisa cusub.

“Waxaan gunaanadkii ka codsanayaa xubnaha Golaha wakiillada inay ansixiyaan xubnaha Golaha wakiillada cusub ee idin horjooga maanta, wakhtina u siisaan inay u adeegaan bulshada reer Puntland, waxaan ku kalsoonahay inaad codsigaas naga aqbalidoontaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa khudbad ka horjeediyey Golaha Wakiillada Puntland taasi oo uu kaga hadlayo arrimo ay kamid ahaayeen siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland.

“Mudanayaal iyo murwooyin isbedelkii dhacay Janaayo 08 2019 wuxuu kusoo beegmay xili baahiweyn looqabey tayaynta hay’addaha dowliga ah iyo dardargelinta adeegyada bulshada, dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada. Waxaa sidoo kale la socotaan in culaysyo amni iyo dhaqaale xumo soo jiitamayey mudooyinkii u danbeeyey ay gud ahaan hadheeyeen xasiloonidii iyo kobicii dhaqaalaha ee deegaanada Puntland, waxay keentay in cadawyo badani kusoo dhiiradaan deegaanada Puntland iyagoo beegsanaya nabadgelyada, dhaqaalaha iyo midnimada guud ee dadka reer Puntland, waxaa tusaale inoogu filan duulaanadii is-xigxigey ee Tukaraq, Suuj, Garmaal, Garacad, Qandala, buuraha Calmadaw iyo Calmiskaad.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Arrinta ku cusub Puntland ee la xiriirta Cod u qaadista Wasiirada ayaa eheyd in Wasiir walba uu ka warbixinayay aqoontiisa iyo taariikhdiisa nololeed, taasoo aan hore uga dhcii jirin Puntland

Wasiirrada Puntland oo ka kooban 48 Xubnood oo kala ah, 18 Wasiir, 21 Wasiir ku xigeen iyo 9 Wasiiru dowle, ayaa la filayaa in todobaadkan ay xilalka la wareegaan, si shaqada Shacabka loo hayo loo socodsiiyo.

Inta badan xafiisyada wasiiradda xukuumadii hore ayaa qufulan tan iyo markii uu dhacay isbedelka hogaanka Puntland iyo go’aankii madaxweynaha kaga xannibay masuuliyiinta maamaulka  inaysan wax qarash ah ka bixin karin koontooyinka uga furan bangiga dhexe iyo xawaaladaha.

Sidoo kale, shaqooyinka wasaaraddaha ayaa hakad ku jira maadaama uu xanniban yahay qarashaadkii lagu kala socodsiin lahaa howlaha adeegga maamulka Puntland, waxaana xusid mudan in wasaaraddo badan ay albaabada isugu laaban yihiin kadib markii adeeggii uu ka go’ay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here