Mareykanka oo ugu baaqay dalalka yurub in ay dhaqan galiyaan cunaqabateynta saaran Iiraan

0
514

Mareykanka oo ugu baaqay dalalka yurub in ay dhaqan galiyaan cunaqabateynta saaran Iiraan

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pance ayaa ku eedeeyay wadamada reer galbeedka in ay jabiyeen cunaqabateynta dhaqaale ee Mareykanka uu saaray wadanka Iiraan, waxaana uu ugu baaqay in ay ka baxaan heshiiskii Nuclear-ka oo wadamada quwadaha la galeen.

Mr Pence oo ka qeyb galaya shirka socda magaalada Warsow ee dalka Holand ayaa dhaleeceyay in wali dalalka reer yurub ay baaqi ku sii ahaadaan heshiiskaan kadib ka bixitaankii maamulka Trump ee sanadkii la soo dhaafay cuna qabateynta dhaqaale uu ku saaray Iiraan.

Waa wax laga xumaado in dalalka saaxiibada la ah mareykanka aysan kala shaqeyneyn xukuumada washington dhaqan galinta heshiiskaan.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii wadamada Jarmalka Ingariiska iyo Faransiiska ay shaaciyeen in heshiis ganacsi ay ku xoojinayaan oo dhaqaale badan ku kacaya Iiraan ay ku xoojin doonaan si ay uga badbaado saameynta cunaqabateynta Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here