Al-Shabaab oo soo bandhigay gaari dagaal ay ka qabsadeen Ciidamada Milateriga Soomaaliya

0
671

Al-Shabaab oo soo bandhigay gaari dagaal ay ka qabsadeen Ciidamada Milateriga Soomaaliya

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay gaari kuwa dagaalka ee loo yaqaano Cabdi Bilaha, kaasoo ay sheegeen inay ku qabsadeen dagaal maalmo ka hor ka dhacay duleedka deegaanka Jaziira ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gaariga dagaal ay soo bandhigeen Al-Shabaab ayaa waxaa ka muuqanayay astaanta ciidanka xoogga dalka, waxaana ku xirnaa qoriga loo yaqaano dhashiikaha.

Sidoo kale waxaa gaariga la qabsaday ayaa waxaa saarnaa rasaasta qoriga Dhashiikaha, sida Al-Shabaab sheegeen.

Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay sawirada gaadiidka dagaalka ee Cabdi bilaha, lama sheegin goobta lagu soo bandhigay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka xoogga dalka oo ku saabsan gaadiidka laga qabsaday oo lahaa astaantooda, dhowr jeer oo hore ayay aheyd markii al-Shabaab soo bandhigeen gaadiid dagaal iyo saanad hub ah oo ay ka qabsadeen ciidanka xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here