Raiisal Wasaaraha Somaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho ku kulmay

0
760

Raiisal Wasaaraha Somaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho ku kulmay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay Muqdisho kulan kula qaatay Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed(Laftagareen).

Madaxweyne laftagareen iyo Ra”iisul Wasaaraha ayaa iska Xog-wareystay Arrimaha Deegaanada KGS iyo Dhismaha Gollaha Wasiirada meesha ay wax mareyaan.

Madaxweyne C/casiis ayaa Ra”iisul wasaraha Sharxaad dheer ka siiyay xaalada deeganada kgs ay Iminka ku sugan yihiin iyo waxayaaba ay u baahan yihiin Bulshadakgs in wax lagala qabto.

Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed(Laftagareen) ayaa sidoo kale shalay waxaa qado sharaf u sameeyay Xildhibaanada labada aqal ee DFS kuwooda kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed(Laftagareen) ayaa labadii bishan soo gaaray Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here