Ruushka oo beeniyay in uu jabiyay heshiiskii Nuclear-ka oo ay meel wada dhigteen Mareykanka

0
773

Ruushka oo beeniyay in uu jabiyay heshiiskii Nuclear-ka oo ay meel wada dhigteen Mareykanka

Dowlada Ruushka ayaa jawaab ka bixisay eedeyntii kaga timid dowlada Mareykanka oo aheyd in xukuumada Moscow ay ku xadgudubtay heshiiskii xakameynta hubka Nuclear-ka oo labada dal kala saxiixdeen sanadkii 1987-dii.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibeda ruushka Maria Zakharova ayaa sheegtay in xukuumada Washington ay u taalo su,aashan iyadoo intaa raacisay in ruushka uusan jabin heshiiska xakameynta hubka wax gumaada.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya saacado uun kadib markii xoghayaha arimaha dibeda Mareykanka Mike Pompeo uu ku dhawaaqay in dalkiisa uu ka baxay heshiiskii INF.

Pompeo ayaa intaa ku daray in laga bilaabo 2-da bisha Febraayo uusan mareykanka qeyb ka aheyn,dalka ruushkana uu fursad heesto ilaa lix bilood hadii in uu ka soo noqdo jabinta heshiiskii INF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here