Faah Faahin : Qarax Goor dhaweyd Moqdisho Ka Dhacay oo ay laba qof ku dhinteen

0
531

Faah Faahin : Qarax Goor dhaweyd Moqdisho Ka Dhacay oo ay laba qof ku dhinteen

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo maanta barqadii ka dhacay Kaalin Shidaal ku dhegan Wasaaradda Batroolka oo ku taal agagaarka Baar Shabeelle iyo Ex Baarlamaan.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Tuulax ayaa sheegay in gaariga qarxa la dhigay goobta kaalinta shidaalka, lana baarayo sababta uu ku yimid goobtaas oo ay ka ag dhow yihiin Koontaroolada Amniga laga ilaaliyo.

Qaraxan ayaa burburiyay kaalinta shidaal oo uu dab qabsaday, sidoo kale waxaa uu saameeyay dhismayaal ku dhow, waxaana Gaadiidka dab damiska Gobolka Banaadir oo goobta soo gaaray uu ku guuleystay in la damiyo dabka.

Halkan hoose ka daawo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here