Wasiirka Hawlaha Guud Oo Muddo Tobaad Ah Cisbitaalka Ku Jira Iyo Madaxweyne Biixi Oo Aan Booqan !!

0
664

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Muddo Tobaad Ah Cisbitaalka Ku Jira Iyo Madaxweyne Biixi Oo Aan Booqan !!

Hargeysa (Dalmar-News):-Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo guryenta Somaliland Md Cabdirashiid Qanbi ayaa muddo ka badan  Todobaad ku xanuusanaayey magaalada Hargeysa isla markaana u kala dhaxeeyey oo yaalay Marna Cisbitalka International  Iyo Gurigiisa .

Wasiirka oo xalay dib loogu soo celiyey Guriiga ayaa maanta dib loogu celiyey Cisbitalka International oo uu markii hore yaalay , kadib markii xaaladiisa caafimaad ka soo reyn weyday , alleh ha caafiyee.

Madaxweynaha Somaliland oo shalay Cisbital Haldoor ee magaalada Hargeysa ku booqdey Wasiirka Caafimaadka oo isna xaalad caafimaad u  yaala ayaan booqanin wasiirka Hawlaha Guud oo isna Markaas xanuun u jiifay .

 

Lama Garan Karo Sababta uu madaxweyne Biixi ii wasiiradiisa Xalaada Caafimaad u kala yaala cisbitaalada Hargeysa uu mid ka mid ah u booqdey , halka mid kale-na uu u booqan waayey

Sidoo  kale warar soo gaadhay shabakada Ilaysnews.com  waxaa ay sheegayaan in isla saaka cisbitalka Haldoor uu wasiirka caafimadka   ku booqdey madaxweyne  ku xigeeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here