Al Qaeda oo soo dhaweysay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Hotel ku yaallo Magaalada Nairobi

0
606

Al Qaeda oo soo dhaweysay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Hotel ku yaallo Magaalada Nairobi

Ururka Al-Qaacida ayaa war kasoo saaray weerarkii dhawaan Al-Shabaab ay ku qaadeen Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya Hotel ku yaalla, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 21 qof.

Warka kasoo baxay Al-Qaacida ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasi ay soo dhaweynayaan sidda uu dhacay, islamarkaana cid kaste oo Kenya iyo dalalka reer Galbeedka dagaal kula jirto ay soo dhaweynayaan.

Al-Qaacida ayaa mar kale ku celisay in weerarkaasi uu Jawaab u ahaa go’aankii uu madaxweynaha Mareykanka uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda.

“Waxaan taageeraynaa oo aan barakeynaynaa howlgalladii Qudus “ayaa lagu yiri qoraalka.

Warka ayaa lagu sheegay  in howl-galkaas ay fuliyeen Afar ka mid ah ciidamada loogu magac darar  Jeyshul Cusrah, oo ah ardaydii Saalax Cali Alnabhaani.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay weerarkaasi in lagu dilay 14 ruux oo Kenyan & Ajaanib kale isugu jirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here