Muxuu La Kulmay Suxufigii Wareysiga La Yeeshay “Nin Ka Mid Ah Ragga Isguursada”?

0
641

Masar (Dalmar-News):- Suxufi caan ah oo ka tirsanaa Telefishin ku yaalla dalka Masar ayaa lagu xukumay xabsi 1 sano ah iyo shaqo adag oo uu sameynayo inta uu xiran yahay, wuxuuna ciqaabtaas ku muteystay wareysi uu sannadkii lasoo dhaafay la yeeshay nin ka mid ah ragga isguursada.

Maxkamadda xukunka ridday oo ku taalla magaalada Giza ayaa sidoo kale ku ganaaxday Maxamed al-Ghiety inuu bixiyo lacag dhan 3,000 oo giniga masar ah una dhiganta $167 doolar.

Dacwadda lagu soo oogay ayaa ku saabsan “inuu faafinayay fikirka ku saabsan guurka dhex mara dadka isku jinsiga ah”.

Maxamed al-Ghiety ayaa ka howl galayay Telefishinka sida gaarka ah loo leeyahay ee LTC TV channel.

Ninka wareysiga laga qaaday oo magaciisa aan la shaacinin ayaa intii uu wareysiga socday ka hadlay nolosha ku saabsan in laga shaqeeyo ka ganacsiga jirka.

Mas’uuliyiinta Masar ayaa inta badan sameeya howlgallo ka dhan ah dadka isku jinsiga ah ee isguursada

Guurka ka dhexeeya dadka isku jinsiga ah ayaan gabi ahaanba mamnuuc ka ahayn dalka Masar, hase ahaatee mas’uuliyiinta waddankaas ayaa inta badan amarro ku bixiya howlgallada ka dhanka ah howlaha la xidhiidha

Waxaa inta badan dalkaas lagu xidhaa dadka sameeya ficillada la xiriira galmada ay sameeyaan dadka isku jinsiga ah.

Kiiskan ugu dambeeyay ayaa soo shaac baxay ka dib markii uu qareen ku caan baxay inuu dacwado ka diiwaan galiyo dadka caanka ah, oo lagu magacaabo Samir Sabry, maxkamadda geeyay dacwad ka dhan ah Mr Ghiety.

Wareysiga ay dacwaddaas salka ku heyso ayuu suxufiga sameeyay bishii Agoosto ee sannadkii 2018-kii.

Ninka la wareystay oo ka qoomameynayay nooca nolosha uu ku jiro ayaa wajigiisa la qariyay si aan loo aqoonsanin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here