Mareykanka oo qorsheynaya dhismaha wado sahayda u marsiiyo Ciidankiisa jooga Ballidoogle

0
531

Mareykanka oo qorsheynaya dhismaha wado sahayda u marsiiyo Ciidankiisa jooga Ballidoogle

Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday mashruuca dhismaha wado dhulka ah oo isku xirta Saldhiga ugu wayn Mareykanka ee Afrika ee dalka Jabuuti iyo Garoonka ciidanka Cirka Soomaaliya ee Balli-doogle oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha hoose.

Waddadan ayaa waxaa ay dhexmari doontaa dhulka Ismaamulka Soomaalida ee ay Itoobiya Maamusho, waxaana uu Mareykanka ugu talo galay in ay adeegsadaan Ciidankiisa ku sugan labada saldhig.

Mashruuca dhismaha Waddadan waxaa qaadatay Shirkad laga leeyahay Mareykanka oo fadhigeedu yahay Gobolka Virginia,taas oo lagu magacaabo Pacioc Architects.

Waddadan waxa ay dhexmareysaa dhul qatar dhinaca ammaanka ah oo meelaha qaar waxaa maamula Al-Shabaab, waxaa kale oo ay martaa dhul ay ka taliyaan malleeshiyo beeleed iyo Sohdin aan wali heshiis rasmi ah laga gaarin oo u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya.

Waxa ay Waaxda Difaaca Mareykanak ee qorshahan waddo sheegtay in waddadan qaybta Soomaaliya dhexdeeda ah ay ku ka ceyso $75Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Garoonka Balli-Doogle oo ku dhawaad 90 KM u jira Muqdisho ayey Ciidamada Mareykanka ah ee jooga waxaa ay sahayda u martaa dhinaca cirka waxaana u geeya diyaarado Helicoptero ah oo ka duula Garoonka Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wargeyska Foriegn Policy oo maqaalkan daabacay ayaa sheegay in khubarro uu wareystay u sheegeen in u jeeddada Mareykanka ka leeyahay Waddadan ay tahay sidii uu u dhimi lahaa baahidda Awoodda China ee Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here