Al-Shabaab oo soo bandhigay Gaari Beebe oo ay ka qabsadeen Ciidanka xoogga dalka

0
744

Al-Shabaab oo soo bandhigay Gaari Beebe oo ay ka qabsadeen Ciidanka xoogga dalka

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay gaari kuwa gaashaaman oo loo yaqaano Beebaha oo ay isticmaalayeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, sida lagu baahiyay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab.

Gaadiidkan oo lahaa calaamada ciidanka xoogga dalka ayay Al-Shabaab sheegtay inay la wareegeen kaddib dagaal ay la galeen Ciidamada dowladda.

Sawirro laga soo qaaday gaarigan beebaha ah ayaa la arkayay, iyadoo ay saaran yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana marayay meelo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gaadiidka Beebaha ayaa ka mid ahaa tiro gaadiidka gaashaaman oo horay loogu deeqay dowladda Federaalka, waxaana gaadiidkan uu ka mid ahaa kuwo ay isticmaalayeen Ciidanka xoogga dalka qeybta 14 October ee dhowaan la wareegay gacan ku heynta magaalada Marka.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay saanad ciidan oo dowladda Federaalka ka heshay dowlado shisheeye, sida ay baahisay warbaahinta afkooda ku hadasha.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore ula wareegay saanad ciidan gaadiid dagaal, hase ahaatee gaadiidka AMISOM ee ay la wareegaan ayay dhowr jeer oo hore gubeen, iyagoo aanay qaadan.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya lagu wareejiyay gaadiidka gaashaaman oo gaaray lixdameeyo oo ay dowladda Qatar ugu deeqday Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here