Qaramada midoobay oo magacowday xubnaha ka qeyb qaadan doona baaritaanka dilkii Khashoggi

0
487

Qaramada midoobay oo magacowday xubnaha ka qeyb qaadan doona baaritaanka dilkii Khashoggi

Hey,ada qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda aanaha ayaa magacowday xubnaha ka qeyb qaadan doona baaritaanka caalamiga ah ee loo xil saaray dilkii wariye Jamal khashoggi oo sanadkii la soo dhaafay lagu dilay qunsuliyada sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Agnes Callamard oo u qaabilsan qaramada midoobay baaritaanada dilalka sharci darada ah ayaa sheegtay in ay u safri doonto magaalada Ankara todobaadka soo aadan si loo gudo galo baaritaan madax banaan oo ku aadan dilka wariyahan.

Helena Kennedy iyo Duarte Nuno Vieira ayaa noqon doono labada xubnood oo Agnes ku wehlin doono inta ay ku sugan yihiin magaalada Istanbul 28-da bishan Janaayo ilaa 3 bisha soo socota ee Febraayo.

Turkiga ayaa ku baaqay in qaramada midoobay ay ka qeyb qaadato baaritaan caalami ah oo madax banaan si cadaalada loo horkeeno shaqsiyaadkii ku lug lahaa dilkii 2-dii bishii October loogu geestay qunsuliyada sacuudiga wariye Khashoggi.

Dhaxal sugaha sacuudiga maxamed Bin Salmaan ayaa lagu tuhmayaa in uu ahaa shaqsigii soo amray dilkaan walow uu iska fogeeyay in uu ku lug leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here