Mareykanka oo dib u bilaabanaya shaacinta duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya

0
491

Mareykanka oo dib u bilaabanaya shaacinta duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegay inuu bilaabayo shaacinta duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, maalin kaddib markii uu ku dhawaaqay in la joojinayo ka hadalka duqeymaha iyo natiijooyinkooda.

Afhayeen u hadlay Taliska Mareykanka ee Afrika John Manley ayaa u sheegay VOA in la sii wadi doono ka hadalka natiijooyinka weerarada cirka ah ee ay ka fuliyaan Soomaaliya.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan ka warbixinno natiijooyinka weerarrada, inkasta oo aan ka shaqeyneyno sidii aan u hagaajin laheyn fariinteena, si aan u soo bandhigno tirada xagjiriinta la dilay iyo sida weerarradaasi ay uga caawinayaan asxaabteena Soomaaliyeed inay gaaraan ujeedooyinkooda amniga istiraatiijiga ah”ayuu yiri Afhayeenka Taliska Mareykanka ee Africa.

Maalin ka hor Mareykanka ayaa sheegay inuu joojinayo baahinta xogaha la xiriira weerarada Mareykanka iyo soo bandhigida khasaaraha uu sababay, halka weerarada ka dhaceen.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sanadkan cusub oo kaliya shaaciyay inay ka fuliyeen Soomaaliya illaa sideed weerar oo cirka ah, kuwaasoo lagu dilay ku dhowaad boqol ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here