Mareykanka oo ciidamo dheeraad ah u soo diraya Somaliya

0
612

Mareykanka oo ciidamo dheeraad ah u soo diraya Somaliya

Dowladda Mareykanka ayaa 130 Askari u soo direysa Soomaaliya, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Ciidamadan oo saldhiggooda ku yaallaa Gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay inay Somaliya ku imaanayaan laba todobaad gudihiis, maadaama ay dhameysteen tababarkooda oo soconayay muddo fara badan.

Ciidamadan cusub ee loo soo wado Soomaaliya ayaa ka tirsan Guutada 102aad ee Ciidanka Mareykanka, waxaana la filayaa marka ay yimaadaan dalka inay door ka qaataan weerarada dhinaca Cirka iyo kuwa dhulka ee ka dhanka ah Shabaab.

Ciidamo lagu qiyaasay 500 oo Askari ayaa Mareykanka ka jooga Soomaaliya, kuwaasoo lagu sheegay in kaalintoodu tahay la­talin iyo inay caawiyaan AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya, iyadoo hadii kuwa cusub lagu soo daro ay ka dhigeyso 630 askari tirada Soomaaliya jooga.

Ciidamada Mareykanka ayaa saldhiggooda ugu weyn uu yahay Garoonka Balli Doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo lagu arko diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ee Drone ay ka kacaan.

Mareykanka ayaa 2016 ka fuliyay Soomaliya 15 weerar, 2017 waxa uu geystay 35, iyadoo 2018 uu fuliyay 47 weerar, halka 2019 uu fuliyay 6 duqeyn oo ay ugu danbeysay 19-kii bishan oo ay Baar Sanguuni ku dileen Shabaab fara badan.

Labo askari oo Mareykan ah ayaa lagu dilay Soomaaliya labadii sano ee u dambeeyay, intii uu talada Madaxtinimada Mareykanka la wareegay Donald Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here