Ururka shabaab oo xalay weerar ku qaaday shaqaale shiinees ah oo dhismo ka wada duleedka Garissa

0
566

Ururka shabaab oo xalay weerar ku qaaday shaqaale shiinees ah oo dhismo ka wada duleedka Garissa

Ugu yaraan Afar ruux ayaa ku dhaawacantay weerar habeenimadii xalay lagu qaaday wadada marta degaanka Shinbirey ee duleedka magaalada Garissa halkaasi oo ay ka socoto mashruuc wado dhisid ah oo ay wado dowlada Shiinaha.

Taliyaha ciidanka booliska ismaamulka Garissa oo goordhow kula hadlay warfidiyeenada degaankan oo qiyaastii 50 kiilo mitir u jirta magaalada Garissa ayaa sheegay in ay badbaadiyeen nolosha dad badan oo halis ugu jiray in ay dhintaan.

Sida laga soo xigtay mid ka mid ah dadka degaanka kooxaha hubeysan ayaa afduub u geestay nin tuulada deganaa waxaana ay ku amreen in uu u jiheeyo halka ay ku sugan yihiin shaqaalaha shiineska ee wada dhismaha.

Balse mid ka mid ah dadka tuulada oo la socday arintaan ayaa ku wargaliyay ciidanka booliska oo durbadiiba ku baxay kooxaha weerarka soo qaaday.

Dagaalyahanadan oo dowlada kenya ay sheegtay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabab ayaa bilaabay markii ay xerada galeen toogasho aan kala sooc laheyn oo ay kula dhaqaaqeen shaqaalaha ku sugnaa dibeda iyo gudaha.

Mr Kerina ayaa ugu danbeyn sheegay in ciidanka ay ka hortagen weerarkaan kadib dagaal socday 15 daqiiqo ,iyadoo dib loo caabiyay kooxdii weerarka soo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here