DAAWO : Goos gooska Filimka Total Dhamaal lasoo bandhigay inaba caadi ma ahan filimkan 

0
1009

DAAWO : Goos gooska Filimka Total Dhamaal lasoo bandhigay inaba caadi ma ahan filimkan

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska filimka weyn Total Dhamaal ee aan dhamaanteena wada sugeenay waxaana dhacday sidii la filaayay si ka weyn inay soo baxday marka laga hadlaayo mada daalo ahaan goos gooska mashruucaan oo dhan walbo ka dheeli tiran.

Magaca filimka Total Dhamaal iyo goos gooskiisa wey isku qalmaan waana hubaal filimkan marka tiyaatarada la saaro 22 Feb 2019 ama hal bil kadib in daawadayaasha siweyn usoo aadi doonaan madaama wax walbo oo ay daawadayaasha filim ku dooran lahaayeen goos gooska mada daalo ahaan lagu soo bandhigay.

Total Dhamaal waxaa Director ka ah Indra Kumar halka la isugu keenay hogaamiyaal awood badan oo Bollywood-ka caan ka ah waxaana ka mid ah Ajay Devgn, Anil Kapoor, Madhuri Dixit, Arshad Warsi, Retiesh Deshmukh, Johny Lever, Javed Jeffry, Sanjay Mishra iyo kuwo kale.

Qosol kuguma hari doono marka aad daawatid goos gooska Total Dhamaal oo la isku dheeli tiray waxayna adeegsadeen kooxda filimkan xeelad walbo oo ay daawadayaasha hadal heyn xoogan kaga kasban karaan sida goos gooska looga bogan karo.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Total Dhamaal kadibna fikir-kaaga nala wadaag filimkan shactirada badan ee hubaal ahaan saameyn xoogan dhanka Boxoffice-ka la imaan doono.

Hoos ka daawo :

 

Xigasho: Filimside

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here