In ka badan 60 dagaalame Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay

0
619

In ka badan 60 dagaalame Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo culus iyo duqeyn saaka ka dhacday Gobolka Jubadda Hoose, kaddib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in weerarkii Al-Shabaab ku soo qaadeen saldhigga ciidan lagu jebiyay, lagana dilay illaa sagaal dagaalame.

Wararka ayaa intaa ku daraya gaadiid dagaal ay la socdeen dagaalamayaasha Al-Shabaab lagu duqeeyay inta u dhaxeysa Araare iyo Muuse Xaaji.

Duqeynta ayaa la sheegay in khasaare xooggan ka soo gaartay Al-Shabaab, waxaana diyaarado dagaal ay gantaalo la beegsadeen gaadiidkii ay wateen.

Illaa 73 dagaalame ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeynta sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ee ku sugan Kismaayo.

Diyaaradaha duqeynta geystay ayaa wararku sheegayaan inay yihiin kuwo Mareykanka, kuwaasoo u soo gurmaday ciidankii dowladda iyo kuwa Jubbaland ee saaka lagu weeraray deegaanka Baar Sanguuni.

Ma jirto illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay Mareykanka oo ku saabsan duqeynta iyo khasaaraha la sheegayo in lagu dilay illaa 73 dagaalame.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here